Phone: +252611100850 | Mogadishu, Somalia

GUUD-MAR
GSM waa shirkad gaar loo leeyahay kana diiwaan gashan Soomaaliya, xarunteeduna tahay magaalada Muqdisho islamarkaasna ka hawlgasha gobalada dalka oo dhan. Shirkadda waxay gacansiisaa ganacsiga bilowga ah iyo midka taabagalay, waxayna u gudataa howlaheeda shaqo si ay ku dheehantahay hufnaan iyo u heelanaan ku dayasho mudan.
Hiraalkeenu - Waa inaan noqonno shirkad ah hormuud qaran xagga jaangoynta, meelmarinta hal abuur xal u ah baahida kala duwan ee ganacsatada.

Hiigsigeenu - Waxaan bixinnaa adeegyo lagu kaalmeeyo ganacsiga oo dhammeystiran ahna talo lagu dayan karo, tusaale iyo taageero ku aaddan heerarka kala duwan ee ganacsiga.

Ujeedadada Guud - Anagga oo ka duulayno khibradeena ganacsi iyo maal-gashi, waxaan rabnaa inaan macaamiisheena la xalino caqabadaha ay la kulmaan, si ku dhisan wax-wadaqabsi iyo iskaashi.

Ujeeddooyinka Asaasiga ah:
1. Xoojinta wadashaqeyn dhinacyo badan, kala duwan, iskaashi, iyo isku xir, iyada oo loo marayo bixinta adeegyo lagu taageerayo ganacsiga gaarka loo leeyahay.
2. Soo gudbinta aragtiyo hal-abuureed, fursado maalgashi iyo xalal ganacsi oo maangal ah.
3. Xoojinta iskaashiga iyo xal ugaar ah qofka si kor loogu qaado kobaca ganacsiga iyo hanti abuurka.
4. In la taageero cilmi baarista ganacsiga, u ol-oleynta dejinta siyaasaddaha dhaqaalaha iyo wax ka qabadka culaysyada ka jira ganacsiga.

Sida aan ku howl-galno Aragtideena ganacsiga waxaa laf-dhabr u ah kobcinta iyo awood siinta shakhsiga ganacsatada ah iyo hey’addaha ganacsiga iyada oo loo marayo is-dhexgalka dhaqaalaha, kala faa'iideysiga aadanaha, aqoon-isweydaarsiga, xirfadaha maalgashiga istaraatiijiga ah iyo hababka cusub ee loo maareeyo ganacsiga dunida ka jira. Howl-galkeena waxaa udub dhexaad u ah awoodda wax soosaarka iyo in si hufan looga faa’iideysto kheyraadka iyo raasamaalka jira, si loo xaqiijiyo maalgashiga saxda ah iyadoo xoogga la saarayo maamul wanaagga iyo hanti abuurka.